Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo dalbaday in wariye Cabdi Casiis Koronto Maxkamad lasoo taago.

Tuesday, January 22, 20130 comments

Cabdi Rashiid Cabulle Abiikar (Deel) oo ah xubin firfircoon oo kamid ah ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa waxa uu maanta codsaday in cadaalada lahor keeno Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) si hadii denbi lagu waayo uu u helo xuriyadiisa.

Deel ayaa waxa uu codsigaan jeediyay xilli uu xabsiga ku daahay wariye Cabdi Casiis oo Police-ka Soomaaliyeed ay xabsiga dhigeen iyaga oo aan maxkamad hor geyn.

Waxa uu intaa raaciyay sarkaalkaan kamidka ah NUSOJ in wariyaasha Soomaaliyeed hadii ciidamada amaanku u yeeraan aysan u tegin, taa bedelkeedana ay kuwar geliyaan madaxda NUSOJ si arintooda wax looga ogaado oo hadii ay suura gasho qareen loogu qabto.

Cabdi Casiis ayaa xilligii laxirayay waxaa u yeeray xarunta denbi baarista dalka oo markii uu u tegayna xabsi si hal haleel ah ugu tuurtay arintaasi oo noqotay mid fajacisa ku noqotay dhamaan bahda saxaafada Soomaalida.

Shalay ayaa wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya waxa uu si aan leex leexad laheyn u dalbaday in lasoo taago maxkamad wariyaha hadii uu danbi yeeshana laxukumo hadii danbi lagu helana laxukumo hadii lagu waayana qolyihii soo xiray iyaga sharciga lala tiigsado.

Cabdi Casiis ayaa waxaa xarigiisa ka danbeeya oo walina kusii dhiiran in uu gacantooda kusii jiro taliska Police-ka Soomaaliyeed oo ku eedeyna in uu been ka sheegay ciidamada police-ka qaarkood oo uu ka dhigay kuwa anshax aan laheyn oo haweenka kufsada.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog