Labada Fanaan ee Mariah iyo Nicki Minaj ayaa waxaa mar kale sara u kacay khilaafka ka dhaxtaagan kidib markii ay labadooda ka soo muuqdeen Barnaamij la yiraahdo American Idol .
Fanaaniintaa ayaa midba midka kale ku riixaysaa eedaayn ka dhan ah waxa ayna labadooda la sheegay in khilaafkooda uu soo bilowday bartamihii sanadkii aan ka soo gudbnay kaa oo sii xoogaysanayo marba marka ka danbaysa .
Barnaamij American Idol oo ah Barnaamij ay ku xiran yihiin Boqolaal dad ah ayaa labadooda lugu wada casuumay hayeeshee waxaa dadkii dawanayay ka yaabsaday kidib markii ay labadooda ay muujinayeen in dareenkooda is diidan yahay waxa ayna labadooda diideen in si wada jir ah loo doodsiiyo.
Wariyaha Daah dahinayay Barnaamijka ayaa ka ilaalinayay waxyaabo isku dhacya keeni kara in la isku adeegsado waxa ayuna mid kasta si dad badan u sheegaysay waxyaabo ka dhan ah siyaasada labadooda isticmaalaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com