Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya: Talyaaniga Soomaaliya Wuxuu Ka Taageerayaa Dhinaca Caafimaadka Iyo Tababarada Ciidanka

Tuesday, January 8, 20130 comments

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa sheegtay in dowlada Talyaaniga ay taageerayso dowlada Soomaaliya isla markaana ay ka taageerayso dhinacyo badan.
Fowsiyo ayaa sheegtay in dowlada Talyaaniga ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay ka taageerto arimaha Caafimaadka iyo waliba tababarada ciidanka Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dowlada Talyaaniga ay ka mitahay dowladaha Saaxibka la ah Soomaaliya oo ay markii horaba ay iskaashan jireen.
“waxaa la soo celinayaa iskaashigii Soomaaliya iyo waliba Talyaaniga waana muhiim, maxaayeelay Soomaaliya iyo dowlada Talyaaniga waa dowlado xiriir ka dhaxeeyo”sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa haatan waxay ku sugantahay wadanka Talyaaniga waxayna kulan la qaadatay dhigeeda wadankaasi, sidoo kale waxaa la filayaa in ay la kulanto jaaliyada Soomaaliyeed ee talyaaniga.
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa horay waxay u soo martay wadanka Uk, waxaana halkaasi ay kula soo kulantay xogeeyaha Arimaha Dibada ee wadanka Ingiriiska iyadoona kala soo hadashay xaalada Soomaaliya.

 












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog