Jen C/laahi
Siciid Samatar oo ka mid ah musharixiinta ugu cadcad tartanka madaxtinimada
Puntland ayaa shaaca ka qaaday in sharciyadii maamulka madaxweyne C/raxmaan
Faroole ay ku eg tahay maanta oo ah 8-da bisha Janaayo 2013.
“Haddii la gaaro berito oo ah 8-da Janaayo
C/raxmaan madaxweyne nooma ahan.” ayuu yiri Jen Samatar oo la hadlay VOA.
Jen Samatar oo hadda ku sugan magaalada
Qardho ayaa sheegay in sharci ahaan xukuumadda, baarlamaanka iyo madaxweynaha
Puntland aysan sheegan karin wax xil maamul ah, isla markaana aaney xaq u
lahayn inay dadka ka guraan wax canshuur ah.
“Dadka iyagaa ka tashanaya aayahooda
maamulka, waana in maamulka waqtigiisu dhammaaday uu taasi u hogaamsamo.” ayuu
sii raaciyey.
Maanta oo ah 8-da bisha Janaayo ayaa ah
maalinta ay ku dhamaatay waqtigii afarta sano ee madaxweyne Faroole uu ka
ariminayey Puntland, waxaana waqtiga uu dhamaaday iyadoo wax isfaham ahi aan
laga gaarin sida looga gudbayo xaalada cakiran ee hadda Puntland ku jirto.
Madaxtooyada waqtigeedu dhamaaday ayaan illaa
hadda ka hadlin halka ay u jiheysaneyso ka dib 8-da Janaayo, waxaana dhamaan
aamusan saraakiisha dawlada illaa heer wasiir oo u muqda inay eegayaan bal waxa
xiga, waxaana gaabiskaasi xitaa laga dareemay xafiisyada dawlada ee Garowe oo
ah xarunta maamulka.
Dhanka kale amaanka magaalooyinka Boosaaso
iyo Garowe ayaa lagu soo waramayaa in aad loo adkeeyay ka dib markii ay soo
bexeen warar sheegaya in dibadbaxyo lagu dalbanayo qabashada doorashada ay ka dhici
rabaan magaalooyinkaasi.
Maalintii shalay ayaa dibadbax looga horjeedo
waqti kororsiga waxaa uu ka dhacay magaalada Qardho oo dad u badan dhalinyaro
ay ka dhigeen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
