Xalada Cakiran Ee Kataagan Gobolada Puntland Iyo Wararkii Udanbeeyay Ee Manta Ay Saxaafada Newbanaadir Ay Kaqorto

Tuesday, January 8, 20130 comments

Iyada oo maanta ay ku beegan tahay maalintii dad badan oo kamid ah kuwa ku dhaqan Puntland ay sugayeen in la qabto doorasho isla markaana la soo gaarey afatii sano ee xilka loo dhaariyey Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa xaaladda guud ee deegaanada Puntland tahay mid degan.
Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo waxaa ka socda shirar gooni gooni ah oo ay yeelanayaan beelaha dagan gobolka Mudug, beelaha ayaa qaarkood ka arinsanayaan sidii ay uga jawaabi lahaayeen kadib markii maamulkii xilka loo dhaariyey 2009 iska dhegatirey baaqyadii ay u jeedinayeen, waxaa maanta laga sugayaa in halkaas ay ka soo baxaan bayaano kala duwan, dhanka kale Newbaadir.com ayaa ogaatey in Malayshiyo beeleedyo diidan muddo kororsiga uu ku kacay Cabdiraxmaan Faroole ay ku sugan yihiin duleedka Gaalkacyo halka loo yaqaan Taalo cad, waxaa wararku sheegayaan in Maanta halkaas ay ku canshuureen Qaadka ka soodega magaalada Gaalkacyo ee u socdey Garowe, malayshiyaadkan ayaa sheegay in ay tegayaan magaalada Jalamee Gobolka Nugaal halkaasna uu noqodn doono saldhigoodu.
Magaalooyinka Bacaadweyn, Burtinle iyo Galdogob ayaa la sheegayaa in lagu dhex arkaayo gawari ay ku xiran tahay calaamado ay ku qoran tahay Faroolow waqtigaagi waa dhamaadey.
Qardho
Magaalada Qardho waxaa maalintii shalay ka dhacay mudaahaaard loogu magac daray SAGOOTIN waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dadkii ka qaybqaatey mudaaharaadkaas fariin u diray Madaxweynaha xilku ka dhamaadey, farintaas ayaa ahayd in uu ka baxay ballantii dalkana aanu xoog ku qabsan ee loo dhiibey welina ay ugu baaqayaan in uu ballantii dhawro, isla markaana Puntland mushkilad loo horseedin.
Siyaasiga Cabdullaahi Siciid Samanter ayaa la filayaa in uu maanta la hadlo saxaafadda isaga oo ku sugan magaalada Qardho, inkasta oo mucaaradka ku kacsan maamulka xilku ka dhamaadey aysan lahayn gole ay ku mideysan yihiin ayaa haddana la filayaa in waxa ugu weyn ee uu sheegaa ay noqoneyso hadalo uu horey u sheegay oo ah in maanta wixii ka danbeeya Cabdiraxmaan Faroole aanu ahayn Madaxweyne sharci ah.
Bosaso
Xaaladda Magaalada Bosaso ayaa ah mid degan, waxaa weli jidadka dhooban ciidamo maalintii shalay la keeney halkaas waxaana aad ku arki kartaa waddooyinka oo dhan iyo jidadka yar yar ee gala xaafadaha, arrintan ayaa ka danbeysey kadib markii la sheegay in Wasiirka Amniga Hotelkiisa PANORAMA malayshiyaad aan la garanayn ay weerar u geysteen laba habeen ka hor, weerarkan ayaa dhabarka loo saarey Xarakada al-Shabaab ee buuraha Golis ku sugan, ma aysan sheegan weerarkaas al-Shabaab, waxaana dadka qaarkis sheegayaan in uu ahaa xaalad abuur wasiirka amnigu sameeyey si uu u xirto shaatiga tuutaha isla markaana u caburiyo in dadku samayn karaan Mudaaharaad nabadgelyo oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin in mamulku qaban waayo doorasho, mudaaharadkaas oo fashilmey maalintii shalay.
Dhanka kale waxaa ka socota Madaxtooyada Bosaso qaban qaabo madaxweynaha xilku ka dhamadey Cabdiraxmaan Faroole doonayo in uu ugu dabaaldego sanadkii afaraad maalintii la doortey, waxaa lagu wadaa in xafladdaasi caawa ka dhacdo Madaxtooyada Bosaso.
Cadde Muuse
Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse oo wadey dedaal lagu xalinayo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatey muddo kororsiga ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay uu gaarey magaalada Bosaso, Cadde ayaa safar ku tegey Magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Qardho waxaana uu kulamo la qaatey waxgarad kala geddisan welina kama hadlin dedaalka uu wadey, mana cadda mawqifka rasmiga ah ee isagu uu ka taagan yahay.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog