Ninkeyga wuxuu ii furay markii aan dhahay sigaarka iska dhaaf

Sunday, January 6, 20130 comments

Aan ku bilaawnee qormadeena xaaskaaga iyo balwadaada koo dooran laheed?

Nin Soomaali ah oo leh balwada sigaarka ayaa xaaskiisa ku faray kadib markii ay ka codsatay in uu sigaarka iska dhaafo, ninkaan ayaa naagtiisa war galiyay in sigaar cabista uusan iska dhaafi Karin wuxuu ku andacooday in sigaar cabista ay kamid noqotay qeyb noloshiisa kamid ah.

Naagta la furay ayaa waxaa cadaadis uga imaanayay faamilkeeda iyada oo markasta lagu dhaho ninkaaga balwad ayuu leeyahay, cadaadis ka saarnaa dhanka faamiilkeeda ayee iyadane cadaadis sii saartay, ninkaan ayaa u dulqaadan waaayay cadaadiska xaaskiisa wuxuuna u sheegay in uusan iska dhaafi Karin sigaar cabista wuxuuna war galiyay in uu iyada iska furo.

Sigaar cabista dhaqanka Soomaaliya wuxuu ka yahay wax aan lagu tix galin ama qofka caba laga aamino wax yaabo xun xun iyada la aaminin.

Waa mid kamid ah furiimaha ugu yaabka badnaa ee dhaca sanadkaan cusub bilaawgiisa, waana wax layaab in nin uu balwadiisa ka dooorto xaaskiisa.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog