Gudiga Amniga qaranka ayaa haatan waxaa uu shir albaabada u xiran yahay uga socdaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo shirkan looga hadlayo amaanka Caasimada iyo gobolada gacanta u soo galay dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Gudiga Amniga Qaranka ayaa shir gudoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Saacid, Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Gudoomiyaasha qaar ka mid ah gobolada dalka.
Wararka ayaa sheegaya in shirkan marka uu soo dhamaaday laga soo saari doono qorshe cusub oo ay dowladda wado, kaasoo ku saabsan dhinaca ammaanka.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah Ciidamo si gaar ah uga howl geli Caasimada Muqdisho iyo deegaanada u dambeeyay ee laga saaray Shabaab, si ay uga hortagaan weerarada dhaba galka ee ay Al-Shabaab ku qaadaan.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Hey'adaha amaanka dowladda ay wadeen qorshayaal la xiriiray dhinaca amaanka oo ku aadanaa xasilinta caasimada Muqdisho, iyadoo kulamadii u dambeeyay ee Golaha Wasiirada looga hadlayay arrimaha ammaanka.

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com