Kubadsameeyaha kooxda Inter Milan Wesley Sneijder ayaa shaaca ka qaaday in go’aankiisa uu kaga labalabeynayo inuu ku biiro Galatasaray inaysan ku xirneyn lacag, waxaana uu ka hadlay sida uusan ugu qanacsaneyn sida Nerazzurri ay isku dayayso inay isaga cadaadis saarto.
Madaxweynaha kooxda Massimo Moratti ayaa ugu baaqay ciyaaryahanka reer Holland bilowgii isbuucaan inuu go’aan gaaro sida ugu dhaqsiyaha badan, laakiin ciyaaryahanka ayaa cadeeyay inaan lagu qasbi doonin inuu ku degdego go’aanka mustaqbalkiisa.
“Arintaan kuma saabsana lacag” ayuu yiri Sneijder sida ay qortay La Gazzetta dello Sport.
“Sida ciyaaryahan kasta oo dhaqaaqi kara bishaan, waxaan heystaa inaan go’aan gaaro ilaa 31da Janaayo. Ma doonayo inaan waxna ku degdego, ma jecli sida Inter ay cadaadiska ii saareyso.
“Waxaa inta badan lagu qasbay inaan go’aan ka gaaro mustaqbalkeuga xilli muhim u ah nolosheyda. Waxaana ay taasi dhacday bilihii u danbeeyay, waxaana dareensanahay inaanan u qalmin in cadaadis sidaan ah la ii saaro.”
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
