65 jir afduubtay Wiil 5 sano jir ah oo Talefishino caan ah u yeertay si loo wareeysto & Ninkaan oo la toogtay..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Friday, February 8, 20130 comments


Nin lagu magacaabo Jimmy Lee Dykes oo 65 sano jir ah ayaa waxa uu weeraray Bas siday Ciyaal iskuuleey ah kaas oo goobtii ku toogtay Darawalkii Baska waday oo lagu magacaabi jiray Charles Roland da´diisuna eheed 66 jir .


Ninkaan Waayeelka ah ayaa markii uu Baska afduubayay waxa uu horay u sii kaxeeystay Wiil yar oo 5 sano jir ah kaas oo isna magaciisa lagu sheegay Ethan. 



Dhibaatadaan oo ka dhacday magaalada Midland City ee gobolka Alabama ee dalka Mareeykanka ayaa waxa ay iminka noqotay midii ugu hadal heeyta badneed gudaha dalka Mareeykanka maadaama mudo 7 maalmood ah laguna sheegay 144 saacadood ka dib la toogtay Waayeelkii wax afduubay oo markii hore agtiisa la tagi waayay maadaama uu watay hub qatar ah . 

Ciidamada FBI-da dalka Mareeykanka oo dilka ninkaan dhib weeyn u maray waxaa la sheegay in ay ka faaideeysteen Ninkaan oo mucaarad ku ahaa Dawlada Mareeykanka oo dabadeed dalbaday Talefishinada kala ah NBC, CBS iyo ABC si ay u wareeystaan balse odaygaan oo la toogtay waxaa Nasiib wanaag laga soo fakiyay Wiilkii yaraa ee uu Afduubtay kaas oo doonayay in uu caan ku noqdo ama la sheeg sheego. 















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog