Dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijiyen in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyay raashiin u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya
Waxa ay intaa kudareen dadka deegaanku in sidoo kale ay xabsiga dhigeen laba haween ah iyo nin lasheegay in ay ahaayeen ganacsatada uu gaariga raashinka weday u rarnaa.
Shabaabka ayaa raashinkaan dabka ku qabadsiiyay halka loo yaqaan Buulabarde oo kamid ah gobalka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaaliya.
Raashinka Shabaabku gubeen ayaa laxaqiijiyay in uu ahaa misir, iyada oo sida goob joogayaashu xaqiijiyeen Shabaabku ay ku warameen in hey’adu leedahay raashinka sidaa dartena ay u gubayaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
