Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay
dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, kaasoo u
dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Raaskambooni oo qaab beel ah u dagaalamay.
Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Jubooyinka
Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo uu muujinayo sida
Kenya ay ugu guuleysatay inay meesha ka saarto ammaankii iyo kala dambeyntii.
Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay
inuu fashilmay qorshihii maamul u sameynta, waxaana uu xusay in aan marnaba
lagu guuleysan doonin maamul loo dhiso deegaanada Jubooyinka.
Waxaa uu ku eedeeyay Ciidamada Kenya
inay magaalada ay ku garaaceen madaafiic, isla markaana dad shacab ah uu
qasaare ka soo gaaray sida uu yiri.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dadka
deegaanka ay tabeen maamulkii iyo nidaamkii ka jiray halkaas oo uu xusay inuu
ku suura galay gacanta Mujaahidiinta, ayna muddo ku naaloonayeen degenaasho iyo
ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha
Al-Shabaab u qaabilsan Jubooyinka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmihii u
dambeeyay khilaaf weyn uu ka taagnaa qorshe maamul goboleed loogu sameynay
Jubooyinka iyo Gedo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com