Xaalada magaalada Kismaayo oo degan iyo dhinacyada dagaalamay oo magaalada ku sugan

Sunday, February 24, 20130 comments


Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka degan, kadib dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni oo gacanta ku wada hayay magaalada, iyadoo dhaawacyada ilaa toban ruux la dhigay Isbitaalka magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka dib u furmo goobaha ganacsiga iyo isu socodka, inkastoo wali ay jirto xiisad ka dhex taagan labada dhinac, maadaama ay ku wada sugan yihiin magaalada.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM oo shalay kala dhex galay labada ciidan ayaa saraakiisha labada dhinac ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, waxaana jira dadaalo ka kala socda Nairobi iyo Muqdisho oo ku saabsan joojinta colaada.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix ruux oo labada dhinac iyo dad rayid ah ku jireen, waxaana dagaalka ku dhintay Sarkaal caan ah oo lagu magacaabayay Labo Garre, halka sarkaal kalena uu ku dhaawacmay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka, iyadoo ku baaqday in la joojiyo, dhiiga daadanaya lagu bedelo wada hadal iyo isu tanaasul.

Dagaalkii shalay ayaa caqabad ku ah qorshihii maamul u sameynta Jubooyinka ee shalay la filayay in shirweynaha maamul u sameynta inuu magaalada ka furmo, hase ahaatee uu dib ugu dhacay,kadib markii dowladda ka baaqsatay.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog