Magaaladda Muqdisho oo daris la
noqotay Muddo 21-sano dagaalo iyo boob ayaa waxa ay iminka heshay Amaan buuxa oo isu keenay Reero
si mooga muddo 13-Sanno kadib markii Somalia laga saaray Kooxihii kala ir-day
Shacabkii u dhashay Somalia islamarkaana kala geeyay daafaha Caalamka.
Ubax Haji oo kamid ah dadka ka
cararay dagaaladda ayaa sheegtay in Reerkeeda aysan arkin muddo 13-sanno mar
waliba ay rajeyn jirtay inay mar qura aragto caruurteeda iyo Ehelkeeda,
Hayeeshe waxa ay tilmaamtay in Garoonka Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho si
laafyo ay ku dheehantahay uga soo degtay islamarkaana ku (Sajuuday) garabka
midig ee Diyaaradda Turkish Airlein.
Ubah ayaa xustay in kala maqnaanshaha
iyada iyo Ehelkeeda uu sababay xanuuno kala duwan oo ay ku sheegtay inuu yahay
mid daawo u ah Booqashada Ehelkeeda, waxa ayna sheegtay inay ahayd Hooyo mar
waliba ku duceysan jirtay in Marqura la helo Dowlad iska xil-saarta amaanka
Dalka somalia.
Si kastaba ha ahaatee Ubah ayaa
shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in aysan sii deynin Fursadda ay siisay
Caalamka islamarkaana soo laaabtan inta ku maqan Qurbaha niyadana u dhisaan
Qoysaskii ku dhex noola Dagaaladda oo iminka helay Dowlad caalami ah oo wadata
amaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com