Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay Machadka Cilmi-baarista ee dalka Britain

Tuesday, February 5, 20130 comments


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad dheer oo taabaneysa dhinacyo badan islamarkaana ka tarjumeysa xaalada dalka ka jeediyay machadka Cilmi barista dalka Ingiriiksa iyadoo ay ka qeybgaleen kumanaan ruux.

Khudbadan uu xalay ka jeediyay macadka cilmi barista dalka UK Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimahada dibada dalkaasi, qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku sugan magaalada London iyo ajaanib, waxaana uu madaxweynaha ka warbixiyay xaalada wadanka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay wado dadaalo ku aadan sidi loo horumarin lahaa ciidamada dowladda si ay u hantaan amaanka dalka.

Madaxweynaha mar uu ka hadlayay xaalada waxbarasho ee wadanka ayaa waxa uu tilmaamay in caruurta ku nool magaalada Muqdisho ay yihiin inta badan kuwo aan wax baran balse dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii ay u horumarin laheyd waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa waxa su’aalo weydiiyay dadkii ka qeyb galay kulanka iyado su’aalaha la weydiinayay Madaxweyanaha ay u badnaayeen kuwa quseeya xaalada wadanka islamarkaana u badna amaanka qorshaha dowlada iyo horumarka ay caasimadu ku talaabsatay.

Sidoo kale Madaxweynaha mar uu ka hadlayay kooxda shabaab ayaa waxa uu xusay in xiriir uu ka dhaxeeyo maleeshiyada shabaab iyo kuwa Boka Xaraam isagoona intaas raaciyay in aysan jirin wax cilaaqaad ah oo ka dhaxeya kooxaha haatan ka dagaalama wadanka Maali.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog