Hooyooyin Soomaaliyeed oo ku nool
dalka Ingriiska ayaa waxaa la sheegay inay ku tilmaameen caruurta raga qaadka
cuna kuwa agoon ah oo aan wax aabe ah lahayn inay la mid yihiin maadaam ay
aabayaashood ay waxba kala socon nolosha qoyska iyo caruurtoodaba.
Hooyooyinkaan Soomaaliyeed oo ka qeyb
galaayey banaanbax looga soo horjeeda Qaadka oo dhawaantaan ka dhacay afaafka
hore ee xafiiska ra'iisalwasaaraha dalkaas Ingiriiska ayaa waxay sheegeen inay
dhib ku qabaan ragooda jaadka cuna islamarkaana ay ragaasi habeenkiina soo jeedaan
maalintiina ay hurdaan taas oo keentay inaysan waxba kala socon xaalada guriga
iyo caruurtooda laguna tilmaami karo caruurta ay dhaleen raga jaadka cuna kuwo
agoon ah oo aan wax aabe ah lahayn inkastoo ay aabayaashood joogaan maadaama
aysan waxba kala socon nolosha qoyskooda iyo caruurtoodaba, hooyooyinkaan ayaa
waxay ka dalbadeen dowlada ingiriiska inay ka joojiso dalkooda qaadka si wax
looga qabto dhibaato uu ku haayo dadka Soomaaliyeed waa sida ay sheegeen
haweenkaas dibadbaxaas ka qeybgalaayeye.
Ugu dambeyntiina iyadoo aan la ogeyn
sida ay wax uga tari karto joojinta qaadka dhibka ay hooyooyinkaas sheeganayaan
ayaa baaritaano qoto dheer oo la sameeyey waxay sheegayaan in joojinta qaadka
aysan saameyn weyn ku yeelan karin
dhibaatada ay hooyooyinkaan
sheeganayaan iyadoona arimaha ay ka hadlayaan hooyooyinkaas ay tahay dhibo gaar
ah oo ay iyagu qabaan oo u baahan in lagu xaliyo si qoys ahaan ah oo aan wax
shaqo ah ku lahayn dhibaato guud oo lagu joojiyo qaadka maadaama ay jiraan rag
badan oo jaadka cuna islamarkaana aysan wax dhib ah ku qabin caruurtooda iyo
qoyskooda oo aanan laguna tilmaami karin inay yihiin kuwo agoon ah sida ay u
sheegeen hooyooyinkaas, iyadoona joojinta qaadka aysan wax saameyn ah ku yeelan
doonin arintaas maadaama hadii la joojiyo xataa qaadku uu si tuuganimo ah uu ku
soo gali doono dalkaas sida ka jirta wadamo badan oo laga joojiyey jaadka oo ay
ugu danbeysay dalka Holland oo wali si caadi ah looga helo qaadka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com