Munaasabad balaaran oo lagu
maamuusayay sanad guuradii aas-aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta
lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyey
Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loogu dabaal degayay sanad guuradii
43 ee ka soo wareegta markii dhidibada loo tagaay ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ka dhacday
xarunta xabisiga dhexe ee Muqdisho waxaana ka qeyb galay qaar ka mid ah golaha
wasiirada, saraakiil ciidan fanaaniin iyo marti sharaf kale.
Intii ay socotay munaasabada ayaa
waxaa ay ciidamadu ay sameyeen dhoolatus iyo dabaal dagyo ay ku muujinyaan
awooda ciidamada Asluubta waxaana sidoo kale fanaaniinti ka qeyb gashay ay ku
soo bandhigeen heeso iyo riwaayado ka turjumayo waxqabadka ciidanka Asluubta.
Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta
Xuseen Xasan Cusmaan oo hadal ka jeediyay munaasabada xuska sanad guurada
43-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Asluubta ayaa sheegay in
ciidanka Asluubta ay soo mareen marxalado kala duwan balse haatan ay ka soo
kabteen ayna haatan hayaan howlo adag.
Wasiirka garsoorka Cadaalada Owfaaqta
iyo Arrimaha Diinta ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay sanad guurada ay u dabaal
dagayaan isagoona kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibkooda.
Sidoo kale wasiirka difaaca Dalka
Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji ayaa xusay in ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu
saldhig u yahay Qaranimada iyo jiritaanka shacabka.
Ugu dambeyntii waxaa goobta hadal ka
jeediyay wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed
wax uuna xusay in uu salaam uga sido ciidamada Asluubta Madaxweynaha iyo
R/wasaaraha waxa uuna intaasi raaciyay in madaxda dowladda ay ku howlan tahay
sidii dib u haben balaaran loogu sameyn lahaa ciidanka Asluubta.
Munasabada lagu maamusayay sanad
guuradii 43 ee ka soo wareegtay markii
la dhisay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku soo idlaatay jawi aad u
wanaagsan waxaa ciidamadu ay ahaayeen kuwa wijiyadooda ay ka muuqatay farxad ku
aadan xuska maalinta la aas aasay ciidanka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com







