Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula qaatay mas’uul ka
socday baarlamanka sare ee dalka Mareykanka kaas oo maanta soo gaaray caasimada
dalka ee Muqdisho.
Mr Cetalisan oo ka tirsan Kongareyska
Mareykanka iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay
xaaladaha ka jira waddanka iyo horumarrada ay Soomaaliya sameysay
bilihii la soo dhaafay, ayadoo Mr
Cetalisan ku nuuxnuuxsaday in Mareykanku
uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto hormarinta wadanka Soomaaliya.
Sidoo kale Cetalisan ayaa intaasi ku
daray in Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka dhaxeyaan xiriiro soo jireen ah taas
oo uu tusaale u soo qaatay Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka,
isagoona intaasi raaciyay in uu aad ugu faraxsan yahay imaashaha uu yimid dalka
Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa
xiriirka u dhaxeeya sii xoogeysanayey muddooyinkan, iyadoo dowladda Mareyankuna
ay muujineyso dadaal dheeri ah oo ay ku
garab istaagaan dowladda Soomaaliya yeelatay, sida ka qeyb qaadashada dib u
dhiska dalka iyo hagaajinta ciidammada Qaranka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com






