Haweenka oo u nugul jaceylka ku
abuuridda ayaa lakulma qalbi jab weyn kadib markii ay waayaan jaceylkooda oo uu
ku dhamaado fashil , newbanaadir.com ayaa kusiinaysa qaabab aad kaga kabsankarto
dhaawacii soo gaaray qalbigaaga.
Marka hore kasaar niyadaada wax kasta
oo aad ku xasuusan kartid sida erayada aad isweydaarsan jirteen .
Iska tirtir fariin qoraaleedka ku
jira mobilkaaga kadibna sii raaci numberkiisa adiga oo sidhaqsi ah u delete
gareynayo waayo waxa aad geli kartaa xasuus taasoo sii hurineysa halkii kaa
bugtay.
Ha ag marin goobaha aad kuwada haasaawi
jirteen iyo meelaha aad nasashada u aadi jirteen oo ka raro gediso.
Si tartiib tartiib ah iskugu day in
aad iska ilowsiiso xiriirkiinii burburay maxaa yeelay majiro wax la iska
goynkaro hal mar oo xiriir ah .
Diyaarso habab kale oo aad isleedahay
waad ku hilmaami kartaa , waxa aad na qaada tilaabo aad xiriir kale
kusmeysaneyso ogaw tani waxa ay u tahay daaawo fiican oo dhaqsi ayay kuu
bogsiinaysaa.
Kaga samir sida qofka dhintay ee laga
samro walow ayan dhici karin inta badan balse isku day , xiriirka hore oo ah
mid aan la ilaawi karin waxa aad isticmaashaa wadiiqooyin kuu sahlaya in aad
hilmaamto isaga oo dhan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
