Taliska hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha oo digniin u diray dadka muqalasiinta ah ee ku howlan baasaboorada been abuurka ah

Tuesday, February 19, 20130 comments


Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin u diray dad muqalasiin ah oo basaabooro been abuur ah isku day in ay ku dhoofiyaan taas oo dad badan ay ku fashilmeen.

Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa digniin u diray dadka Soomaalida ah ee waayahan ka soo laabanayey wadamadii ay ku maqnaayeen, kuwaas oo uu sheegay in dalka ay la yimaadeen qaarkood Ficil xatooyo ah, iyaga oo iska dhigaya Muqalasiinta dadka Dhoofisa, si ay dadka uga qaataan lacago tiro badan kaddibna ay ku fashilmaan Baasaboorka Khaldan ee dadkaasi lagu dhoofiyay.

Dhinaca kale  taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa u jeediyay Soomaalida dibedaha joogta ee ku kaceysa falalka noocaani oo kale in ay dhibaatada ka daayaan dalkooda, inta uusan sharciga gacanta ku dhigin.

Waa markii ugu horeysay ee uu hoggaanka Socdaalka Soomaaliya shaaciyo in ay jiraan dad Soomaali ah oo ka faa’ideysanaya diyaaradda Turkish ee sida tooska ah dadka ugu qaadda dalalka Yurub, waxaana arrintan loo sabababeynayaa Xaaladda ammaan ee Somaaliya oo soo hagaagtay Soomaalidii dibadaha ku maqneydna ay arrintaasi ka faa’ideysteen.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog