![]() |
Boqorada waayadaan danbe la qaban la’yahay Farhiya Fiska oo Warqad furan Soo Gaarsiisay Boggeena Facebooka Ayaa Sheegtay in wax laga xumaado ay tahay heesaha ay qaado in lagu dhaleeceeyo oo loo tarjumo in ay ku weeraryso Bashiir Hanuuniye oo ay ka warantay in aysan waxba Is dhaafsan dagaal faneedkiina uusoo af jarmay .
Fiska Ayaa Weerartay Website-yada Soomaalida Ee Sida qaldan u qora qoraalada waxaana hadalkeeda ka mid ahaa
(( Marka hore Waxaan Salaamayaa dhamaan bahda shumis.net marka xigta waxaan halkan tageerayaashayda ka oran lahaa heestayda cusub ee Cilmi Ma ahan hees qusaysa dagaal faneedki sanadkii hore ama is qabqabsigii soo socday mudo , Heestaan Waxaa Ii dhiibay Abwaanka Weyn “ Maxamed Xassan Dhakalaas “” Website-yada afka Soomaaliga Wax Ku qora ee ka hadla arimaha bulshada waxaan ka codsan lahaa in aad wararka xaqiiq ka qortaan Waan Idin MahadCelinayaa Bahda Shumis.net sidoo kale taageerayaashayda Mahadsanidiin Dhamaan )) .
Fanaanada Weyn Farhiya Fiska Ayuu Hadalkeeda U Muuqday Mid Laga Been Abuurtay isla markaana sheegtay heesta ay dhawaan soo qaaday inaysan aheyn hees kusocoto Gacaliyaheedii Hore Bashiir Hanuuniye
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
