Raiisul Wasaaraha Dalkan Britain, David Cameron Ayaa Maanta Kula Kulmay Xafiiskiisa Downing Street Ee London Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Tuesday, February 5, 20130 comments

Labada hoggaamiye ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka dal ee Soomaaliya iyo Britain.
Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron oo hadlay ayaa sheegay in Britain ay dooneyso in ay sameyso wax walba aan ku caawin karno Soomaaliya si dib loogu dhiso, isla markaana loo arko horumar dhaqaale, horumar siyaasad horumar dagaallanka argagaxisada.
Waxa uu intaa ku daray inay jiraan wax badan oo dhacaya iyo is beddel badan.
Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Britain ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta ay dowladda Britain ku dhawaaqday in Soomaaliya ay siineyso lacag Shan milyan oo dollar ku dhaw oo kaalmo cusub ah taasi oo wax looga qabanayo hooyooyinka iyo carruurta nafaqo darradu heyso.
Dowladda Britain ayaa sanadkii hore safiir u magacawday Soomaaliya, waxaana ay ku hawlan tahay xal u helidda arrimaha Soomaaliya.
Bisha May ee soo socota ayaa waxa magaalada London lagu qaban doonaa shir ku saabsan Soomaaliya.






W/Q:-  Dhaqane Yuusaf Ahmed (Boobka)
Xafiiska Wararka UK
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog