Maamulka gobalka Shabeelada hoose
ayaa baaq u diray dhalinta ay
qaldeen Alshabaab, isagoo dhinaca kalana ku booriyay hay’adaha
samafalka in ay gobalkaasi ay soo gaartsiiyaan gargar.
Guddoomiyaha gobolka Hoose C/qaadir
Maxamed Nuur Siiddii ayaa sheegay in ammaanka gobolka uu yahay
mid aad u wanaagsan isagoo ugu hambalyeeyay guulaha ay ciidamada XDS ka gaareen
howlgallada ay kula wareegeen deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ugu
baaqay dhalinyarada wali ku haarsan gaacanta Shabaab in ay ka soo haraan dagaalada
fidnada ah ee lagu baabi’inayo dalkeena wuxuu intaa ku daray in haddii ay isaga
soo tagaan markaa ay dowladu soo dhaweyndoonto dhaqan celina loo sameyndoono .
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay
hey’adaha gargaarka in ay usoo gurmadaan dadka ku tabaaleysan gobolkaasi isagoo
tilmaamay in dadka beeraleyda ah ay u baahanyihiin in laga taakuleeyso sidii ay
u horumarin lahaayeen wax soo saarkooda loona dayactiro Kanaalladii waraabka
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
