Qubaro Saxaafadeed oo kutaliyay in kor looqaado Aqoonta Saxafiyiinta Soomaaliyeed si ay qeyb uga noqdaan dib udhiska wadanka

Friday, February 15, 20130 comments


Cabdi Xaaji Goobdon oo ah qabiir saxaafadeed oo kaqeybgalayey barnaamijka Kulanka jimcaha ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka loo geeysto Suxufiyiinta isagoo sheegay in dhibaatooyinkaas loo geeysanayo ay tahay mid ay Sababsadeen taas oo uu ku macneeyey in saxafiyiinta qaarkood ay heysato aqoon Dari maadaama ay u badanyihiin kuwa soo hanaqaaday wixii burburka ka Danbeeyay islamarkaana eysan aqoon dheeraad a u laheyn anshaxa iyo Sharciyada u dagsan saxaafadda.

Sidoo kale waxa barnaamijka kaqeybgalay Maxamed Ibraahim Bakistaan Xoghayaha ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj oo isna dhankiisa Kahadlay kor uqaadista aqoonta sharciga ah iyo tan barofishinka ah ee saxafiyiinta Maadaama uu wadanka isbedal xoog leh kasocdo.

Qaar kamid ah dhageystayaasha ayaa iyaguna qadka taleefoonka uga qeybgalay Barnaamijka kuwaas oo iyaguna ku taliyey in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay Dalkooda qeyb kaqaataan dib udhiskiisa.

Ugu danbeyn waxaa hadalka qaatay Cabdi Xaaji Goobdoon lataliyaha Ra.isuwlasaaraha ee dhinaca warfaafinta ayaa talo kusoo jeediyay in la badiyo Aqoon kororsiga loo sameynayo saxafiyiinta si ay u yaraato dhibaatada loo Geysanayo saxafiyiinta iyo tan iyaga laftoodu ay geysanayaan











xigasho radiomuqdisho
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog