Soomaalida ayaa hore waxa ay ugu
maahmaaday “hurdo habar korin wayday”, waxa kale oo hore uga jirtay caalamka in
meelo badan ay dumarku aaminsanaayeen in hurdada ay ka helaan jir qurux badan.
Hadaba hurdada aad si wanaagsan u seexato habeenkii ayaa waxa ay kaa dhigaysaa
gabadh qurux badan.
Bal waxa aad waydiisaa gabdhaha badan
ee asxaabtaada ah waxa ay ku qurxiyaan jirkooada, waxa hubaal ah in jawaabta
intooda badani noqon doonto “hurdada”.
Arinta ah in ay kuugu jawaabayaan
huradau waa waxa aan ka helo qurux ayaa ah mid ay ku saxsan yihiin.
Khuburo u dhalatay wadanka Sweden
ayaa waxa ay baadhitaan ay sameeyeen ku soo bandhigeen in hurdada wanaagsan ay
qurxiso qofka.
Khuburada oo ka socda maxadka la
yiraa Caroline Institute ayaa markii ay baadhitaanka samaynhayeen waxa ay
sawiro ka qaaden koox dad ah oo marna habeen si fiican u seexday marna soo
jeeday. Kooxaha tijaabada samaynayay ayaa waxa ay markasta marsanaayeen
waxyaalaha u caadada ah in ay habluhu isku qurxiyaan, samaynayeena raacayeena
hababka kala duwan ee ay isku quxiyaan.
Kadiba ayaa waxa laga codsday dadkii
ka qayb qaatay tijaabada in ay sawirada saf galiyaan sida ay u kala qurux badan
yihiin. Waxa ayna xulitaankii ku soo saareen in ay ku qurux badnaayeen
sawiradii laga qaaday markii ay si fiican u seexdeen. Sawiradii ay soo jeedeen
31 saacadood ayaa waxa ay u eekaayeen kuwo daalan, soo jiidasho lahayn oo
jiran.
Markaa waxa la odhan karaa waxaba
roon in ay gabadhu hal saac oo dheeraad ah ku darsato hurada subaxdii. Taasina
u sahli doonta in ay si fudud oo waqti yar ka qaadanaya isu sii qurxiso
subaxdii marka ay banaanka u baxayso.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com