Jilaaga John Abraham ayaa daaha ka
qaaday inuu diyaar u yahay in aroos uu la galo Priya Runchal, oo mudo labo sano
ah ay wada socdaan. kadib markii uu ka haray Bipasha Basu oo 9-sano ay saaxibo
ahaayeen.
John Abraham iyo Bipasha Basu Lamaane
waqti dheer wada qaatay
John ayaa yiri waxaa la joogaa
xiligii aan is tuuri lahaa ama aan aqal geli lahaa, isagoona farta ku fiiqay in
qoftaasi ay tahay Priya Runchal.
Labadaan lamaane ayaa lagu sheegaa
iney yihiin kuwo aad isku fahamsan, iyadoo la tilmaamay In John ka cararayo in
mar kale ay ku dhacdo tii Bipasha oo kale, uuna doonayo in qoftaan uu soo xero
geliyo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com