Waxa aan kaa jeclahay xidigaha
kuyaala cirka , waqti kastana oo isii dhaafayana aad ayaan kuu sii jeclaadaa
waxaana in badan kaa jeclahay neefsahada aan qaato .
Noloshu waxa ay ku tiirsan tahay
jaceylka , jaceylku waxa uu ku tiirsan yahay runta , runtu waxa ay ku tiirsan
tahay qalbiga , qalbiguna adiga ayuu kugu tiirsan yahay .
Markasta uu wadnahaygu garaac sameeyo
magacaaga ayuu ku dhawaaqaa markasta uu garaacmo wadnahayga. waxa uu doonayaa
in uu kula hadlo markasta uu garaac sameeyo wadnahayga waxa uu ii sawiraa in
aan kuu dhawahay , markasta uu garaacmo wadnahayga waxa uu I
dareensiiyaa in aad sidookale adigana
ilama mid tahay ; dhamaan garaacmida uu wadnahayga ii sheego waa wada run.
Macaankasto waa ay fududahay in la
iibsado , erayo macaan waa ay fudu dahay in ladhaho , laakiin dadka macaan sida
adiga oo kale waa ay adagtahay in lahelo maa ay ii noqoto dhamaan noloshayda
sida macaankaaga .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com