Magaalada Hargeysa oo Goordhaw lagu Qab qabtay Rag la sheegay in Al shabaab yihiin iyo Xaalada oo kacsan wali

Wednesday, February 20, 20130 comments


Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in goordhaw Ciidamada Booliiska Somaliland ee gudaha u galeen Hotel kuyaala Koonfurta Magaalada Hargeysa halkaas oo laga xir xiray dad aan tiradooda rasmiga ah la shaacin.

Saraakiil katirsan Maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay in Hotelka la galay laga soo qab qabtay Rag Argagaxiso ah oo lala xariirinayo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee looga awooda roonaaday Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamo badan ayaa ilaa xiligan gaaf wareegaya kuna sugan Hotelka lagu qab qabtay Ragan Argagaxisada lagu sheegay iyadoona goobo kale oo Hargeysa ka mid ah hada kasoconayaan Baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo rag kale.

Magaalada Hargeysa ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayay xaalad kacsanaan iyadoona meelo badan oo katirsan Magaalada Hargeysa lasoo dhigay Ciidamo aad u tiro badan oo xiray wadooyinka qaarkood.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog