Markaan ku dhiiraday inaan jaceylkeyga u sheegto waxaan isu badalay bukaan

Monday, February 11, 20130 comments


Qisadani oo ah qiso dhab ah ayaa waxa ay ku dhacday mursal aadan oo ku magac dhera mursal dhanaane, mudana aan isku school ahayn

Mursal intii aan la socdayba waxaa uu jecla inan aan mudo isku aqaanay labadooda aniga, hase ahaate waxaaa la soo saa’iday mursal dareen iyo rabitaan jaceyl dhab ah, kaas oo qiyaas ahaan isaga ka tan weynaa hase ahate mursal oo mudoba qarsanayay jacylkiisa ayaa sanadii  2011 bishii 10aad ayuu ku dhiiraday in uu jaceylkis cadeeysto ama soo bandhigo ileen nin qoyani biyo iskama dhawree,

tashi badan oo uu la sameyay dad ku xeel dheer cudurka aan dawada lahayn ee adamaha daashaday dadkuna u yaqanaan jaceylka ayaa lagula taliyay in uu qoftaas miirkiisi doorisay, u sheegto dareenka dhabta ah iyo rabitankisa qofnimo ee jaceyl, una xaqiijiyo hase ahate marki uu u bareeray una sheegay in gabadha uu aad u jecelyahay ayeey durbadiba ku bilowday aflagado iyo in ay dhayalsato hadalada ka so yeray  dhibanaha jaceylka

aloow alle niman wax ogeyn allow ha cadaabin waxaa uu u qaaaday dareen aan la so kobi karin iyana waxay kula kacday tacadi kii u xuma dunida oo ah in qofka la yaso waxna laga shego sinjiyadiisa ama asalkiisi hore .

waxana filaya in dad badani i fahmayaan madama aan hadalada qaar dul marayo mursal dhanaane waxa dadiisu ahayd 23 jir waxana uu ku barbaaray magala madaxda sadaxaad ee dalka kismayo .

intaa kadib sida ila xog ogala ay ii shegeen mursal marki inantu diiday waxaa uu isku badalay bukaan ay ka soo hartay aamus ma hadle sida la ii xaqiijiyay oo afka kama kalaamo iminka waxaa intasi u dheer isla hadal ama qaraw xiliyada qaar habeynkii mursal oo imink isticmalo telfonka gaar ahaan adega sms ayaan ka codsaday in uu msg iigu so diro qisada wana uu iga yeelay waxana uu ii shegay hadalada kor ku xusan qeybo kamida

laakin iminka waa bukaan la dayacay oo midii uu dunida ka calmaday ay ku tacadisay ogoow qofka oo aad si qayaxani u diida waxay keenta xanuun iyo dhibatoyin farabadan hadiibo ay dhacdo in aad qofka la waday wax  jaceyl ah u qanci qaabab fara abdan waxana guud ahaan dumarka somaiyed ku waaninayaa in aanay qofka ku liidin tabar daro dhaqaale la’an uu leyahay sida gacan la’aan il la’aan ama lug’aan waxaba intaa ka daran oo somalida isku liida waxa na daaashaday ee ah qabiil oo ah mida sxbkeen maanta aamusiisya markii ay inantu ku tiri waxaad ka soo jeeda qoys aan i geeynin oo cad hadaba hablayahoow iyo ragow ogaada jaceylka malahan  qabiil, dhirir iyo gaabnaan ,. Cadaan iyo madoow, iwm












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog