Waxaa lagu dhawaaqay xiliga uu
furmayo shirka maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, kaasoo lagu
waday inuu qabsoomo 23 ki bishan balse uu ku yimid dib u dhac.
Afayeenka maamulka kmg ah ee Kismaayo
C/naasir Seeraar ayaa shaaca ka qaaday in Maalinta Bari ah taariikhduna ay ku
beegan tahay 28-ka Bisha Febraayo la qabanayo shirki maamul u sameynta
Jubooyinka iyo Gedo.
Afayeenka ayaa sheegay in Maalinta
Bari ah uu furmayo shirka, isagoo shaaciyay in dhamaan ergada loogu talo galay
shirka ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa uu ka gaabsaday
afayeenka in masuuliyiin ka socda Dowlada Soomaaliya ay shirkaasi imaanayaan,
waxaana dhowr jeer oo la weydiiyay afayeenka uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo.
Shirka maamul u sameynta Jubooyinka
iyo Gedo ayaa ka dhacaya Kismaayo, waxaana la sheegay in lagu qabanayo goob
amaankeeda aad loo adkeeyay, halkaasoo ay isugu imaan doonaan wafuud caalami ah
iyo Soomaalida dagta sadexda Gobol Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga
dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogan, kaasoo ay wadaan siyaasiyiinta iyo ergooyinka
ka qeyb galaya, waxaana la filayaa inay magaalada soo gaaraan wafuud heer caalami
ah, kuwaasoo ay hogaaminayaan masuuliyiin ka socota Urur Goboleedka IGAD oo
shirkan maal galinaya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
