Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa
Caalamka kusoo badanaya Dhacdooyinka ka dhex dhaca Aalada Facebook-ga.
Taasoo mar qura kawada yaabisay
Isticmaalayaasha Mar hadii ay Qoomiyado kala duwan ku dhex kulmaan Meel qura
waa hubaal in ay ka dhex dhacaan Dhacdooyin kala duwan Farxad iyo murugo
midkood ha sababtee.
Dhacdadii ugu danbeysay ee la yaabka
noqotay taasoo Facebook quseysa ayaana ah in nin 41 jir ah oo u dhashay
dalkaasi England kaasoo lagu magacaabo Alan in uu Facebook-ga fariimo dareen
jinsiyadeed ah ugu diray gabar aad u da’yar taasoo 14 jir ah.
Alan walow uu yahay nin weyn oo 41
jir ah, hadana waxaa la sheegay in uu yahay nin aad uga hela gabdhaha yaryar ee
loo yaqaan Teen-Age kuwaasoo u dhaxeeya 11 ilaa 16 Alan ayaa iminka maxkamad
lasoo taagay kadib markii waalidka gabadhan dhalay ay dacwad u gudbiyeen aalada
Facebook qeybteeda jinsiga iyo dareenka caruurta lagu xad gudbo.
Ninkaan ayaana ugu danbeyn ciidamada
amaanku soo xireen ayadoo maxkamad lasoo taagay, balse arinka yaabka badan ayaa
ah, markii ninkani maxkamada uu soo galay ayaa la arkay isagoo wata xijaab bac
ka sameysan oo jirkiisa dhan uu kusoo qariyay sidoo kalena waxa uu soo qaatay
ookiyaalo (muraayada indhaha) oo madow ah, waxaana intaas usii dheereyd in uu
ninkan soo kaxeystay gawaarida dadka cuuryaanka ah.
isagoo sida la sheegay ka dhuumanayay in la ogaado qofka
uu yahay isla markaana saxaafadu ay sawiradiisa ku faafiyaan warbaahinta
caalamka. Ninkaan lagu soo eedeeyay in uu gabar 14 jir Facebook-ga ka
shukaansaday isla markaana uu u adeegsaday hadalo dareen jinsiyadeed kicinaya.
Arinta dacwadaan ugu weyn ee ninkaan
loo heysto ayaana ah kadib markii uu gabadhan yar ee 14 jirka ah uu ka dalbaday
in ay kaamirada u furto isla markaana is qaawiso, si uu jirkeeda ugu raaxeysto.
Sidoo kale qoraalada ninkani uu
Facebook-ga usoo marin jiray gabadhan yar ayaa waxaa ka mid ahaa ( aad baan kuu
jeclahay, diyaar ayaana u ahay inaan xaaskeyga adiga daraadaa u furo).
Qareenka u doodayay ninkaan oo aheyd
haweeney ayaa la sheegay in ay ku dooday in ninkani uusan awoodin in uu xaaskiisa
caadiga ah la jiifsado oo uu la sameeyo galmo maadaama bey tiri ninkani uu
dareen u hayo caruurta yaryarka oo kaliya
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)