Qaxootiga Soomaalida Kenya oo dalbaday in dib dalkooda loo keeno.

Thursday, February 14, 20130 comments


Qaar kamid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ee Gobalka NFD ayaa dalbaday in laga gacansiiyo dib ugu soo noqoshada dalkooda hooyo.

Deeq Xuseen kadiye oo kamid ah horjoogayaasha dadka qaxootiga Soomaalida ee ku jirada Xerada IFO ayaa sheegay inay u baahan yihiin ka gacansiinta dib ugu noqoshada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ka haysan soo dhaweyn iyo kutalogal intaba isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ka helin wax tasiilaad ah maadaama aysan haysan qarashaad oo ay dalka dib ugu soo noqdaan.

Sidoo

kale wuxuu sheegay Deeq Xuseen kadiye in tan iyo markii Dowladda Kenya ay amarka ku bixisay in Soomaalida ay dib ugu noqdaan dalkooda ama ay isugu tagaan xeryaha Dhadhaab ay buux dhaafeen xeryaha amnidarana ay uwehliso buuxa xeryaha.

Soomaalida ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Gobalka NFD ayaa xilligan la kulma amnidaro ka jirta Xeryahaasi iyadoo dilal qorsheysan ay ka dhacaan halkaasi. 












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog