Wuxuu ku sheegay caalimkii waynaa ee la oran jiray Ibnu Qayim kitaabkiisa Rawadatul muxibiin qisooyinkan cajiibka ah.
Wuxuu yirii abu Cusmaan A-taymiy:
Ninbaa wuxuu soomaray gabar aad u qurxbadnayd oo raahibad ahayd, si aad u daran ayuu uga helay gabadhii ilaa uu ka joogi waayey, si kasta ayuu isoogu dayey inuu ula kulmo gabadhaas, markastana waxay ahayd iyadu tii diida iyadoo ka dalban jirtay inuu ka fogaado iyadoo kuleh waxan aad aragto yeyna ku dagin waxa ka danbeeya ma ogide Markii uu ka adkaysan waayey ayuu isku dayey inuu xoogo gabadhii isagoo xoog isticmaalaya ilaa uu ku guulaystay oo uu gabadhii xoogay ( Kufsaday ).
Markii ay aragtay inuu ka xoog badiyey oo ayna waxba qabankarin, waxay
samaysay arin aad iyo aad u cajiib badan oo qofkii maqlaaba uu aad ula dhaco ficilkeedaas.
Markay aragtay ninkii inuu ku raaxaysanayo jirkeedii waxay qaban kartaana ayna jirin waxay eegtay hareeraheeda bal inay wax qaban karto, waxaa agyaalay dab aad u kulul oo ku jiray girgire agyaalay, iyadoon ka fikirnba waxay saartay dabkii gacmaheeda si ay u gubtaan ilaa ay ka gubteen gacmaheedii.
Markii uu dhamaystay ninkii wixii uu rabay ayuu la yaabay ficilka ay samaysay
isagoo kuleh maxaa kugu kalifay waxaas. Waxay ugu jawaabtay
Markii aad iga xoogbadisay waxaan ka baqay inaan kula dareemo waxaad
dareemayso oo aan kula raaxaysto, waxaan ka baqay inaan danbiga kula qaybsado, markaasaan sameeyey waxaad aragtay si ay naftaydu ugu mashquusho xanuunka gacmahayga.
Allaahu akbar gacmaheedii waxay u gubtay in ayna la raaxaysan nin aan xalaal u ahayn ninkaas oo waliba xoogay oo ayna iyadu doonan
W/Q Mohamed Sadiiq (Super Boy)
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
