Wasiir xabsiga dhigay rag iyo haween isugu jira Soomaali iyo ajaanib kadib markii Hoteel uu ka casheynayay ay ugu soo galeen.

Sunday, February 17, 20130 comments



Wasiirka Diinta ee maamulka Somaliland ayaa waxa uu xabsiga u taxaabay laba rag ah oo Suuriya u dhashay iyo laba haween Soomaaliyeed ah oo ay ku kulmeen Hotel ku yaalla Hargeysa.

Hotelka Oreintelka ee magaalada Hargeysa oo ah halka ay ku kulmeen wasiirka iyo Raga Suuriyaanka ah iyo Haweenka Soomaalida ah ee ay haasaawayeen ayaa waxa wasiirku sheegay in uu ka carooday akhlaaq xumo ay sameynayeen, maadaama laba lobo ay hoteelka ugu kali noqdeen.

Wasiirka oo Hoteelka uga soo horeeyay
  
afarta ruux ee uu xabsiga dhigaya ayaa in badan ku mashquulay isaga oo kadibna u yeeray police amarna ku siiyay in ay afartaas ruux xiraan.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Diinta Islaamku aysan qabin waxyaabaha nuucaas oo kale ah isaguna uu yahay wadaadkii diinta u qaabilsanaa Somaliland.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog