Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee
Galgaduud oo hore uso ahaa Waaliga
Degmada Kismaayo Sh. Xasan Yacquub Cali
oo waraysi siiyay Idaacada ku hadasho afka Alshabaab ee Al-Andalus ayaa ka
waramay Xaalada Magaalada Kismaayo oo maalin ka hor uu ka dhacay Dagaal lagu
hoobtay oo dhex maray Maleeshiyo beeleed halkaas ku wada sugan.
Sh.Xasan Yacquub Cali ayaa ka waramay
Xaaladii ay Kismaayo ku sugnaan jirya Xilligii ay Hogaamiye-kooxeedyadu gacanya
ku hayeen, isagoo sheegay in dadku ay dhibaato joogta ah ku jiri jireen isla
markaana Xaafadaha Magaalagu ay Qaabaa’ilka u kala xirnaayeen, dadkuna ay
xaalad mugdi ah ku noolaayeen, Hase yeeshee markii Mujaahidiintu ay Magaalada
gacanta ku dhigeen ay dadku ku barwaaqoobeen, Nabad geliyo buuxda iyo
Cadaaladka ay dadku heleen.
Sh.Xasan Yacquub oo waqti aad u dheer
kasoo shaqeeyay Magaalada Kimaayo iyo Guud ahaan Jubooyinka ayaa sheegay in
xilligii Mujaahidiintu ay Kismaayo maamulayeen aysan jirin laba beelood oo ku
dagaalantay ama uu khilaaf soo kala dhex galay, Qof walba ama Qabiil walba oo
halkaas ku dhaqana uu ogaa in aan cid kale aysan kusoo xad gudbi karin sidaas
daraadeed uu isaguna cid kale ku xad gudbin.
Sh.Xasan ayaa sheegay in Ciidamada
Kenya ay kaalin xoog leh ka qaadanayaan hurinta colaadaha u dhexeeya
Maleeshiyada beelaha kasoo kala jeeda, wuxuuna intaas ku daray in dadka
Muslimiinta ay la gudboontahay in ay u istaagaan sidii Ciidamadaas Gaalada ah
dhulka looga saari lahaa isla markaana Cadaaladii Islaamka iyo Xukunkii
Shareecada dib loogu soo celin lahaa
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
