Facebook-ga waa howlbadanyahay
waxkasta isagaad ku arkaysaa, qof fiican, iyo qofxunba, waa meel aan si fudud
qofka heybtiisa lagu sooheli karin xitaa hadaad aqoonsato muuqaalka hortaadda
yaala.
5000 kun ee kugu jirta friends kaaga
waxaa suura gal ah inaadan xitaa 50 kamid ah si fiican aadan ugaraneynin
sababtuna waxaytahay dadkii oo qofkastaaba sawirkii uu rabo uusaartay
profilekiisa.
Inkastoon horay uga qornay warbixino
badan dhibaatadda facebookgu leeyahay haddana waxan idinla wadaageynaa sheeko
ay noosheegtay gabar kamid ah aqristayaasheena oo ahayd sidaan.
Waxaan kashaqeyn jiray meel caafimaad
oo kutaala Magaaladda Nairbi, intabadan waxaan facebookgeyga soo galin Jiray
sawiradeeyda anigoo xiran Dharka Caafimadka ee cad cad si fiicana looma arki
karin wajigeyga maadaama Mobile aan sawirada isaga qaadi jiray.
Aniga shaqsi ahaan waxaan xiranjiray
Jalbaabka Nooca soomaaliya lagu toli jiray ee aadka u adag una cuslaa
maalinbaan sawir isaga qaaday anigoo Jalbaabkaasi xiran wajigeyga kali ahna la
arkaayo, kadibna waxaa soogaliayay Facebookga.
Mudo laba bil ah ayuu kujiray waxaa
uu kali ah helay hal like iyo hal comment oo uu bixiyay nin ila muuqday in
wadaad uu yahay wax kale ma uusan helin .
Mudo kadib ayaa waxaan soogaliayay
Sawirkale oo aan xiranahay dirac nooca baacwaynaha looyaqaano ah isla maalintii
aan soogaliayay habeenkeedii ayuu wuxuu helay in kabadan 20 comment iyo like oo
dhamaantood wiilal wada ah midkastana uu sheegayo inaan aad u quruxbadanahay.
Qaar inboxka fariino igu soodiray
waxay ilahaayeen baayo aadbaad u quruxbadantahay tolow quruxdu ma in jirka
laarkaa.
Haddaba markaad qisadaasi aqrisay ma
kuusoobaxaysaa ciwaanka qormadeenaan in qaarkamid ah maahan dhamaantood ay
gabadhaha ku dhiiri galiayaan in ay sawiraddoda oo qaawan ay soosaartaan
Facebookga si ay like badan u hesho .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
