Shil gaari oo saabay dhaawaca Lix qofood ayaa ka dhacay duleedka bari ee Magaalada Gaalkacyo.
Shilkan gaari oo ka dhacay meel qiyaastii 15 Kiilo Mitir bari kaga toosan Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa ku dhaawacmay Lix qofood oo Afar ka mid ah ay xaaladoodu liidato kuwas oo la dhigay cisbitalka magaaladaasi.
Dhanka kale Shilkan ayaa yimid kadib markii gaariga oo xowli ku socday uu ku dhacay god halkaana uu ku rogmaday, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada nabadgelyada waddooyinka ee magaalada Gaalkacyo.
Dad badan ayaa qaba in shilalka noocan oo kale ah ay sabab u yihiin wadayaasha gaadiidka oo an laheyn khibrad wanaagsan oo dhinaca wadida gaadiidka ah iyo iyagoo aan aqoonin ama aan dhowrin shariciyada la xiriira marista waddooyinka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com