Suuqyada Muqdisho oo laga dareemay Hoos u dhac ku yimid qiimaha raashinka iyo Dharka

Sunday, February 17, 20130 comments


Hoos u dhac ayaa laga dareemaya qiimaha raashinka, dharka iyo noocyada kala duwan ee Bagaashka.

Suuqyada Muqdisho ayaa laga dareemay hoos u dhac ku yimid qiimaha Raashinka daruuriga ah, dharka iyo noocyada kaladuwan ee bagaasha, waxaana arrintan soo dhaweeyay qeybaha bulshada maadaama qiimaha Doolarka uu hoos u dhacay isla markaan maalmihii la soo dhaafay uu jiray sicir barar aad uu baahsan.

‘’Waxaan ka ganacsatadaa dharka caruurta marki horana hal Doolar iyo kasii badan ayaan ka raadin jiray halkii Sheey,  laakiin hadda Nus Doolar iyo kasii yar ayaan ka raadinaa halkii Sheey,  taasina waxaa sabab u ah hoos u dhaca ku yiimid qiimaha dharka’’ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Xamarweyne oo la hadlay Warbaahinta.

Hoos u dhacan ku yimid qiimaha raashinka ayaa waxaa soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ay saameyn adag ku yeelatay sicir barar baahsan oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray suuqyada Muqdisho,  kadib markii uu hoos u dhacay qiimaha Doolarka.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog