Tartanka isbaashiyeenta lamaanayaasha is jecel oo maanta la qabtay

Friday, February 15, 20130 comments


Tartan loogu tala galay in la isku baashiyeeyo oo lagu soo beegay maalinta jaceylka aduunka ayaa ka dhacay dalka Thailand gaar ahaan magaalo xeebeedka Pattaya, tartarnkaan ayaa ka soo qeyb galay dad kala duwan oo lamaana ah oo ay da’dooda kala duwantahay, dadka ka soo qeyb galay kuwa ugu d’da wayn ayaa ahaa 70 sano jir, tartankaan isbaashiyeenta ayaa lagu qabtay mid kamid ah restaurant ugu caansan magaalada Pattaya.


Tartanka isbaashiyeenta ayaa la qabtaa sanadka kasta si dadka is jeceyl ay u wayneeyaan maalinta jaceylka aduunka iyo jiilka soo koraya si ay ugu hana qaadaan in ay indhahooda saaran dad isjecel, halka aad warbixintaan ka aqrisaneeso waa shabakabada newbanaadir.com.


Dadka ka soo qeyb galaya tartanka ayaa loo ogaleen in ay joojiyaan isbaashiyeenta inta uu socda tartanka, dadkaan ayaa la siiyay waqti yar oo ay ku nastaan ama ku aadaan suuliga, hadii uu jiro ruux doonaya suuliga waxaa wehlinaya mid kamid ah kuwa soo agaasimay tartanka si uu qofkan suuliga aaday oo si maalaayacni ah u soo nasto ama waqti lumiyo.


PannajetYomjinda oo ah mid kamid dadka ka soo qeyb galay tartanka ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay is guursadaan 50 sano ka hor sababta uu tartarankaan ugu soo qeyb galay ay tahay in uu arko (warbixintaan halka aad ka aqrineeso waa shabakada newbanaadir.com) in xaaskiisa oo waayeel ah ay wali awood u leedahay in ay isaga baashi ku qaban karto si ay usoo xasuustaan yaraantoodii.


Sanadkii 2012 tartankaan waxaan ku guuleestay nin 29 sano jir ah iyo gacalisadiisa kuwaas oo isbaashiyeenayay 50 saacadood iyo 25 daqiiqo.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog