Xarakada
Al-Shabaab ayaa shalay galab qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose waxa ee xukun dil
ah kula fuliyeen Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu kufsi iyo fara xumeyn
ku sameeyay Wiil kale oo isna dhalinyaro ah.
Qaadiga
Maxkamada Al-Shabaab ee Xukunka riday ayaa sheegay in Ninkan dhalinyarada ah ee
xukunka dilka lagu fuliyay uu ku kacay fal qoomu Luud ah kadib markii Wiil kale
oo dhalinayaro u galmooday uuna qirtay ninka la eedeeyay Dambiga loo heestay in
uu galay.
Qaadiga
AL-Shabaab ayaa xusay in Ninka xukunka Dilka lagu fuliyay oo lagu Magacaabo
Maxamed Cali Baashi uu Fal qoomu luud ah dhoor habeen kula kacay Wiil 13-sano
jir ah oo lagu Magacaabo Aweys Xasan uuna Wiilka yar kusoo dawcweeyay
Al-Shabaab in ninkaan ilaa 4-mar uu si qaldan u isticmaalay.
Qaadiga
ayaa sidoo kale sheegay in eedeesanaha uu qirtay kaliya in uu hal mar u tagay
Wiilkaasi uuna si rasmi ah u galiyay xubintiisa Wiilkaasi dhalinyarada ah sidaa
darteed ee maxkamadu ku riday Maxamed Cali Baashi Xukun dil ah kuna fulisay.
Dhinaca
kale Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka SH/hoose oo ka hadlay halka Xukunka
dilka ah ka dhacayay ayaa sheegay in Ninkan la toogtay uu horey ula shaqeenayay
Ciidamda AMISOM falkan foosha xuna ee soo bareen isagoona xusay in hada la is
dhaafiyay xumaatadiisa.
Ma
jiraan ilo kamadax banaan AL-Shabaab oo xaqiijinaya dhacdaan foosha xun iyo
xukunka Dilka ah ee lagu fuliyay Wiilka dhalinyarada ah iyadoona Kiiskan uu
noqonayo kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Dalka
Soomaaliya inta la xasuusto.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com