Mid kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed oo ku xiran Dalka Turkiga iyo Codsi loo jeediyay Masuuliyiinta Soomaalida

Saturday, March 16, 20130 comments


Wararka aan ka heleyno Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Dalkaasi lagu xiray iminkana xabsi ku jirto mid kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii hore magaca iyo maamuuskana lahaa.

Qamar C/Laahi Harawo oo kamid aheed Fanaaniintii hore ayaa hada ku xiran Dalka Turkiga iyadoona Warar hordhac ah aan helnay sheegayaan in sababaha loo xiray Fanaanada ee tahay fal dambiyeed uu ku kacay ruux isaga la socday kadibna ka baxsaday sidaana iyada loo xiray.

Ma jiraan faah faahin o dheeraad ah oo kasoo baxaya Fal dambiyeedka fanaanada loo xiray uu galay Ruuxa la socda balse waxaa lasoo sheegayaa in fanaanada hada xuriyada laga qaaday ayna ku jirto Xabsi.

Fanaaniin Soomaaliyeed oo baaq soo saaray ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalialnd oo iminka ku sugan Dalka Turkiga in uu kala hadlo Madaxda Turkiga sidii loo sii deyn lahaa Fanaanada Qamar C/laahi Harawo ee iminka xabisaga ku xiran.

Fanaanada Qamar C/laahi Harawo waa ee kamid aheed Faaaniinta Caanka ahaa ee Soomaaliyed waxa sidoo kale caan ku aheed Jiliinka Ruwaayadaha waxaana lagu xasuustaa Ruwaayadii Hablayahow hadmaad Guursan doontaan ay qeyb libaax leh ka qaadatay.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog