Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka ku sii jeeda magaalada Baydhabo

Saturday, March 16, 20130 comments


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa saaka la filayaa in booqasho uu ku tago magaalada Baydhaboee Gobolka Baay, kaasoo ah kii u horeeyay.

Sida ay sheegayaan wararka kulanka baarlamaanka oo saaka la filayay inuu dhaco ayaa u baaqday safarka Gudoomiyaha uu ku tagayo Baydhabo, xilli dhowaan gobolka Baay iyo degmada Baydhabo loo magacaabay Maamul KMG ah.

Wararka ayaa sheegaya in Prof. Jawaari safarkiisa la xiriiro sidii uu maamulkaas u dhiira gelin lahaa, iyadoo wali ay jirto khilaaf ka taagan maamulka uu u magacaabay gobolka Baay iyo degmada Baydhabo.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa dhowaan ka soo horjeestay maamulka KMG ee Gudoomiyuhu u magacaabay Gobolka Bay iyo degmada Baydhabo, kuwaasoo muddo lix bilood shaqeynaya, kadibna suura gelinaya in dadka deegaanka ay soo doortaan cidii hogaamin laheyd.

Laakiin maamulka cusub ee Gobolka Baay ayaa waxaa uu keenay culeysyo Gudoomiyaha ka soo wajahay beeshiisa, oo diidanaa in xilka laga qaado C/fataax Geesey.

Prof. Jawaari ayaa safarkiisa u horeeyay ee dibada dhowaan ku tagay dalka Itoobiya iyo Kenya, iyadoo uu noqday Mas’uulkii u horeeyay oo booqday deegaanada ismaamulka soomaalida Itoobiya, halkaasoo horumaro ballaaran uu ka jiro.

Si kastaba ha ahaatee booqashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee uu ku tagi doono Baydhabo ayaa noqoneysa tii u horeysay oo gudaha dalka, tan iyo markii loo doortay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadkii hore.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog