Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaqaalahii Madaxtooyada kala haray jufadiisa -Lixdana eryay?

Monday, March 4, 20130 comments


Madaxweyne Hassan Mohamud Alasow ayaa markii ugu horeeysay bareerahiisa qabyaalada iyo Xisbinimada cadeeystay kadib markii uu shalay (Axadii 03-03-2013) shaqada ka eryay Lixdan ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyadda ee la soo shaqeeyay Dowladihii Abdullahi Yusuf iyo Shariif Sheekh Ahmed.
   
Agaasimahii Madaxtooyadda Ahmed Macalin oo u dhashay beesha Murusade ayuu shaqadii ka eryay ,wuxuuna reebay Agaasime ku xigeenkii Madaxtooyadda Cabdi Muxumud oo u dhashay beesha Madaxweyne Hassan Garguurte ee Waceysle Abgaal.

Qaar ka mida shaqaalahii uu Madaxweynaha ka eryay Madaxtooyadda oo Warabaahinta la hadlay ayaa tibaaxay inuu Hassan Garguurte kula kacay qabyaalad iyo Cadaalad daro .

"Agaasimahii Madaxtooyadda waa eryay ninkii ku xigay oo Waceysle u dhashayna waa reebay,Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Mr Cali Atam oo Waceysle ah waa reebay,Cabdiraxmaan Kampala iyo Gabar la dhaho Aamina oo Baratakoolka qaabilsanaa iyagana waa reebay maxaa yeelay waa Waceysle ,waxaa ka sii daran xitaa haweenkii Madaxtooyada xaaqi jiray waa eryay,wuxuuna dhamaanteen nagu bedelay dad u dhashay beeshiisa Waceysle iyo xulufadiisa Simad iyo Dam Jadiid" ayey yiraahdeen Sagaal ka mida dadkii laga eryay Madaxtooyadda.

42 ka mida Shaqaalaha la eryay ayuu Madaxweynaha u kala qeybiyay Wasaaradda Shaqada iyo Tan arrimaha dibadda.

Shaqaalaha Madaxtooyadda laga eryay Waxay Warbaahinta u sheegeen in dadka loo wareejiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ku jireen sedex gabdhood oo aysan hore u arag weligood balse la sheegay in nin lagu magacaabo Kamaal Dahir Gutale lacag ka qaatay.

Tilaabada uu ku kacay Madaxweyne Hassan wuxuu ku jibiyay ballantii uu ku sheegay in shaqaalaha Madaxtooyadda ee Shariif Ahmed ka tegay sii wadan doonaan shaqadooda.

Si kastaba ha ahaatee, Hassan Mohamud Alasow wuxuu noqday hogaamiye afkiisa iyo uurkiisa islaheyn,waxaana durba cadaatay inuu yahay nin qabyaalada ku weyn tahay oo Cadaaladana ka fog.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog