Aqriso Dar Daaran Ku Socdo Qof Walba Oo Qaan Gaar Ah (Ka Faa’ideyso)

Saturday, March 30, 20130 comments



Hadaba Aqristow Maqaalkan inaan qoro waxaa igu kalifay sheeko la iiga sheekeeyay taasoo wax walbo kulansatay jaceyl iyo burbur qoys labadaba, runtii intii sheekadaas la ii waday maskaxdeyda waxey isweeydiisay suaalo faro badan oo aan doonayaa inaan u bayaaniyo bulshada soomaaliyed.

Sidoo kaloo Waxaan doonayaa inaan maqaalkan ugu hadlo mowduucyo faro badan oo aay kamidyihiin arimaha sababo furiinka iyo burburka qoyska, runtii mafududo qoys burburay balse soomaalida waa lasahal, oo waxaad moodaa iney laqabsadeen arintaasi, oo caado aay kadhigteeen.

Hadaba Qof walbo oo qoys leh waxaan leeyahay qoyskaaga yuu kaa burburin sikastaba, waxaan qaas ula dardaaramayaa oo aan ula dardaarmayaa dhalinta iney kafogaadaan waxyaabaha qoyska burburiyo oo aay beenta kow katahay, bulshadeena dhan waxey noqdeen single mother “garoob” ninka furoow adne ogoow weligaa inaad ahaaneyso Single Father oo aad garoob kale lee guursaneysid, bil walbana mid cusub.
Qodobadaan aan hoos kuxusayo waa qodobo sababi karo burburka qoyska marka dhamaantood sikasto aad ugu fogaan karto ugu fogoow si qoyskaaga burburka aad kala cararto.

1-Nolasha,

Hadii aad tahay aroos cusub ama aad goor dhaw aqal gashay kafogoow inaad ladegto qoyskaaga ama qoyska lamaanahaaga taa oo ah burburka koowaad halka uu kayimaado, igama ahan in qoyska lanacayo balse dardaarankeyga ayey kow katahay, si qaldana yaan loo macneysan.

2-Xiliga Uurka.

Waxaan dhaqan iyo caado u leenahay marka xaaska uur yeelato inaan u dirno waalidkeed taasoo sababto xiriirka inuu yaraado, balse hadii aad adiga naftaada lajoogtid jalaato usoo gadid maxaa kuu qabtaa dhahdid xattaa hadey walac tahay kuqaniineyso u dulqaadatid waxey abuurtaa kalsooni adag halka aay kalsooni daro imaaneysay marka waalidkeed loo diro.

3-Khilaafaadka.

haduu khilaaf imaado haku xalinin teleefan iyo internet midna waayo waxey sababaaan isfaham daro, marka aad aragto in khilaaf yimaaday halakala joogsado hakala tago maskaxda halasoo dejiyo halasoo fikir, waayo madax xanuunka iyo in nolosha lanaco waxey timaadaa marka furiinka yimaado, kahorna waa lagu dagdagaa, iska illaali xanaaqa waa degdegsiiyaha furiinka.

4-Fogaanshaha.

Waa lakala fogaanayaaa ninka marka xaaskiisa uu bilooyin lajoogo safar ayuu galayaa inuu u dhoofo wadan kale asagoo karaadsanayo nolol kawanaagsan tiisa, walahi aniga oo hadda xaaskeyga iga fogtahay, waxaan nolol haaystay markaan xaaskeyga lajoogay aan waxbo haaysa, nolosha maahan hanta in laraadiyaa ee waa in waaritaan laraadiyaaaa.

5-Beenta.

Hadaba Weligaa been ha usheegin lamaanahaaga xikmad uu reebay rug cadaa hore ayaa aheyd intii been laguugu jeclaan lahaaa runta halaguu jirdilo, runta aad joogteysato waxaan qabaa khilaafaadka iney yaraayaan kalsoonidana aay sii kordheyso, waxaa dhaceyso in dhalinta markey tahriibaan aay yurub galaan ayagoo faro laga haayo sidaan hadda kahorba qoray in uu raadsado naag uu sharci ku helo asagoo xaaskiisa kaqarinayo taasoo sababta burburka qoyskiisa, maantay hadad naag kale guursato aad xaaskaaga u furto malasocotaa berina inaad fureysid midaa guursatay, sow kaagama fiicno gabarnimo midaa ku guursatay inaad isku waartaan, intaad maalinba mid garoob ah guursan laheyd, taasi waa nacasnimo.

Halkaan kuma soo koobi karo arimaha burburka qoyska sababo balse waxaan ladardaarmayaa jiilka soo kacayo iney guursadaan dumar aaysan weligood kala tagin, iyo in beenta leyska daayo, damaca badana wuxuu sababaa furiin faro badan, qofka aad guursan doonto ku fikir inuu yahay qofka dunida macaankeeda kusiin karo inuu yahay sidaa awgeed qof kugu haboon raadso.Ee la jaanqaad,

Hadaba Ha eegin maal aduun waxaa hubanti ah markii aad dhalatay wax walbo aad cuneysid inuu ALLE qoray, balse dadaal lakin intaad maal aduun u dadaaleysid mustaqbalkaaga halumi.

Sheekada Iyo Dulucda Ma ahan in lagu soo koobi karo hal qormo arimahaan balse akhristoow maskaxdaada kashaqeysii kana fogoow guriga burburkiisa, adne marwooy ogoow inaad gurigaaga kadhigi kartid janada aduunka, hadii aad ninkaaga kuheshiisaan dunida oo aad saalixiin noqotaan waxaa hubaal ah inaad janada kuheshiineysiin oo aad is heleysaan adinkoo aan kala dhimaneyn hanta aduun kafikireyn.

Ugu Danbeyn Maqaalkan waxaan qoray anigoo maskaxdeyda kacsantahay ciil qabo kana yaaban burburka qoysaska soomaaliyeed, sidaa awgeed hadaan wax qalday fadlan ogoow magafe waa ALLAH oo adiga iisax, mahadsanid.Aqristow,

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog