Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu foolxumada badan dunida ee dad rayid ah ku dhacda ayaa ka dhacday dalka Ukanda kadib markii gaari xamuul ah oo nuuca isjiidka ahi uu dardaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Gaarigaan ayaana la sheegay in uu si keddis ah faniinka u goostay ayadoo darawalkii gaarigu uu awood u yeelan waayay in uu kaantaroolo isla markaana ay kaliftay in dadweyna fara badan halkaasi u dhamaadaa.
Qaar badan oo ka mid dadka ayaa dhaawac halis ahi soo gaaray, halka kuwa kalena ay dhaawac fudud kala kulmeen.
Balse qaar ka mid ah dadkii dhaawaca culusi soo gaaray ayaa la sheegay in ay naftu kaga baxday goobaha caafimaadka oo loola cararay xiligaas.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com