Dadka buuran oo loo hayo Dawo aad u farxad gelin doonta.!(Faa,iideyso)

Saturday, March 30, 20130 comments



Khubaro caafimaad oo dhakhaatiir u ah dadka buurbuuran iyo caafimaadkooda oo u dhashay dalka Jarmalka, ayaa soo saaray warbixin shaaca ka qaadday in dadka aadka u buuran ka cimri dheer yihiin kuwa kale, waxaanay arrintaas ku sababeeyeen maskaxdooda oo nafaqo badan jidhka ka heshay, sidoo kalena ka badbaadaan isku buuqa iyo cadhada badan.

Prof. Achim Peters oo ka mid ah khubaradan, ayaa sheegay in dadka aadka u buurbuuran aanay cadho la kulmin, ?Sababtoo ah hab-dhiska kiimikaad ee burburinta cuntada ee jidhkooda ka dhex dhaca ayaa u saamaxa in maskaxdu ku mashquusho cuntada.?

Prof. Peter oo ka tirsan Jaamacada Luebeck University oo ku taal woqooyiga Jarmalka, waxa uu muddo soddon sanno ah cilmi-baadhis ku samaynaaey xidhiidhka ka dhaxeeya maskaxda iyo miisaanka qofka, waxaannu waxba kama jiraan ku tilmaamay in dadka buuran ka hor dhiman ogyihiin kuwa dhuudhuuban, inkastoo qof walba uu dhimanayo saacadda Ilaahay u qaddaray.

Dadku waxay uga falceliyaan cadhada iyo isku buuqa badan laba hab oo kala duwan; dadka qaar wax bay cunaan, dabadeed way naxaan, halka kuwa kalena ay cuntada diidaan, kadibna dhuubtaan, sidaa darteed dadka dhuudhuuban waxay halis u yihiin in isku buuq maskaxdooda ku yimaad, kaasoo keeni kara in ay si dhib yar u geeriyoodaan, halka qofka buuran uu maskax ahaan iska difaaco isku buuqa oo aanay dhib badan u keenin,? ayuu yidhi Prof. Peters.

Waxa kaloo Prof. Peter oo u warramay wargeys Jarmalka ka soo baxa uu xusay in isaga iyo asaxaabtiisu heleen waxyaabaha sababa halista isku buuqa, kana mid yihiin faqriga, xadgudubyada, furriinka, qofka oo dulqaad yar iyo shaqada oo ku cuslaata, dadka dhaqaalaha fiican helaana wuxuu sheegay in ay helaan cunto fiican, kadibna maskaxdooda noqoto mid nafaqo badan hesha oo dhibta isku buuqa iska difaacda, fikirkuna ka yaraado.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog