Sheekh Axmed Madoobe oo ah Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Kismaayo ahna Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni ayaa shaaca ka qaaday in aysan cid kala tashaneynin maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Sheekh Axmed Madoobe oo maanta khudbad dheer ka jeediyay shirka maamul u sameynta Goboalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu sheegay in aan cid lagala tashaneynin maamul u sameynta Jubooyinka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Halkan ay isugu yimaadeen sidii maamul loogu sameyn lahaa sadexda Gobol, isagoo sheegay inay ka miro dhalin doonaan maamulka loo sameynayo Jubooyinka iyo Gedo.
Gudoomiyaha Maamulka KMG ah oo la hadlayay ergooyinki maanta fadhiyay shirka ayaa waxaa uu ka dalbaday inay soo dhisaan maamul ku dhisan cadaalad iyo sinaan, maadaama ay Gobolada yihiin Gobolo ay wada dan yihiin Soomaali.
” Waxaan anaga dhan kuwada dhaqeyneynaa rabitaanka dadkeena, waxaan ku hwolgaleynaa sida ay doonayaan ” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Kismaayo ahna Hogaamiyaha Raaskambooni ee Alshabaab.
Gudoomiyaha oo la hadlayay ergooyinka ayaa yiri ” Dhamaan ergooyinka ka soo qeyb galay shirkaan waxaa la idin ka rabaa ooy dadku idin ka dhowrayaan inaad soo dhistaan maamul cadaalad ku dhisan ”.
Axmed Madoobe oo khudbadiisa wata ayaa sheegay in aysan cina kala tashaneynin maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, maadaama uu sheegay ay shacabka dagan ka sugayaan maamulka Jubaland State.
” Cid gaar ah kalama tashaneyno maamul u sameynta Goboladda Jubooyinka iyo Gedo oo aan ka ahayn dadka u dhashay, anaga waxaan nahay dadki galkan u dhashay, anaga ayaana sameynsaneyno maamulkeena ” ayuu yiri Axmed Madoobe oo si dadban uga hadlayay hadalada soo baxaya ee ah in Dowlada Soomaaliya aysan raali ka ahayn Maamulka laga sameynayo Jubooyinka iyo Gedo.
Dowlada Soomaaliya ayaa wa,li ka hadlin shirka maanta ka furamy Jaamacada Magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku kulmeen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Sadexdaasi Gobol.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)