Nin Xaaskiisa Afka ka Tolay?

Friday, March 1, 20130 comments


Wiil u dhashay Dalka Hungary ayaa ku dhaqaaqay fal lala yaabay oo ah inuu Gabadha uu qabo ama Xaaskiisa ka tolay Afka.

Booliska Caasimadda Dalkaasi ayaa sheegay in Gabadha falkaas lagula kacay oo 45 jir ah ay ka cabanayso Xanuuno nolosheeda halis galinaya oo Falka lagu sameeyay uu soo gaarsiiyay.

Boolisku wuxuu gacanta ku dhigay Ninka falkan ku kacay oo 27 jir ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu Haweeneydiisa kula kacay fal dhimasho horseedi karay.

Wali lama garanayo sababta dhabta ah ee ku kaliftay Ninkan inuu Xaaskiisa Afka ka tolo. Waxase la sheegay in Falku uu ka dhacay Aqalka ay ku wada noolaayeen Lamaanahan.

Wararku waxay sheegayaan in Ninka tallaabadan ku kacay qudhiisa uu la xiriiray Booliska kana dalbaday inay gargaar u fidiyaan Xaaskiisa oo markaas halis ku jirtay.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog