Beesha Murusde oo Diginiinti ugu Danbeesay la tusay iyo Dhalinyarada ku Nool Xaafadaha Beesha Murusade oo Baqtin la galiyay!!

Thursday, March 14, 20130 comments



Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha Murusade ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falal aad u fool xun oo kusoo laab laabtay deegaanada ee Beesha ka dagto Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile.

Maalmihii ugu dambeeyay Xaafado kamid ah Degmada Dayniile waxaa ka dhacayay falal aad u fool xun oo Buslshada ku dhaqan Degmadaasi aad u cabsi galisay iyadoona Dhacdadii ugu dambeesay Saakay Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile lagu arkay Meydadka ilaa 4-Nin oo si naxariista ka baxsan inta deegaano kale looga soo kaxeeyay lagu toogtay gudaha Xaafada Gubta kadibna meel wado ah la dhigay.

Mid kamid ah Odayaasha ku dhaqan Degmada Dayniile oo la hadlay Shabakadda Newbanaadir.com ayaa ku Tilmaamay Falkii xalay ka dhacay Xaafada Gubta Mid Laga xumaado laguna doonayo in lagu wasaqeeyo Deegaanada ee Degto Beesha oo hada u muuqda kuwa Dowlada Soomaaliya aysan dan iyo heelo ka galin .

Sidoo kale Odayaal kale oo ku dhaqan Degmada Dayniile oo iyagana ka hadlay dhacdooyinkan Foosha Xun ee Degmada Dayniile kusoo laab laabtay ayaa ku hanjabay in Dowlada Soomaaliya ee mucaaradi doonaan hadii aysan wax ka qaban tilaabooyinkan Foosha xun ee inta badan lagu doonayo in lagu haleeyo Sumcada dadka iyo Deegaanka ee degto Beesha Murusade.

Bulshada ku dhaqan Degmada Dayniile gaar ahaan Xaafada Gubta ayaa dareen cabsi badan ka muujiyay falalkan lagu qal qal galinayo dadka Deegaanka gaar ahaan Dhalinyarada kunool Xaafadaasi oo hada cabsidii ugu xumeed lasoo daristay bilaabeena in xaafadooda ka maataan oo magaalada meelo kale ka aadaan.

Degmada Dayniile waxaa inta badan Dhibaatooyinka ka dhaca ka dambeeya Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo sidoo kale Ciidanka Dowlada oo labada dhinacba aysan u turin Dadka iyo Deegaanka Beesha Murusade iyadoona Dowlada ee inta badan iska indho tirto wax ka qabadka dhibaatooyinka Degmadaasi ka jiro oo marar badan loogu baaqay Dowlada in ee wax ka qabato.































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog