Ciidanka Dowladda oo Meydad ka dhigtay Kuraas lagu Fadhiisti (Daawo Yaabka Dhacay , Waribixin+ Video)

Thursday, March 14, 20130 comments



Video Muuqaal ah ayaa lagu helay koox ka tirsan Ciidamada Federalka Somalia mar ay sawiro iskaga qaadayeen meyd ku dhintay dagaal oo ay sheegeen inay yihiin shaqsiyaad ka mid ahaa Xooggaga Alshabab. Ciidankan oo uu wehliyo madaxoodii unitka ayaa la cadeeyay inay ka tirsan yihiin ciidan dhawaan lagu soo tababaray dalka Kenya kana tirsan qeybta sahanka ee Gaaska Hilaac, gobolka Gedo.

“Ficilkasta oo lagula kaco meyd, saaxiib ha ahaado ama cadow, waa sharaf ka dhac aanan laga filan Karin Ciidan Qaran” waxaa yiri, Hassan Omar oo ah madaxa Jaalliyada Somalida, Gobolka Ohio oo ahaan jiray sarkaal Ciidamada qalabka sida ka mid ah burburkii dowladdii dhexe ka hor.

Koshin Farah, oo ah Qareen udooda xuquuqda insaanka una shaqeeya ururka xuquuqda insaanka udooda “Sade International” oo fadhigiisu yahay Columbus, Ohio ayaa ku tilmaamay dhacdadaan mid laga naxo wuxuuna  codsadey in la baaro oo kuwii dambiga galeyna la soo saaro Maxkamad Qaran.

Gobolka Gedo ayaa ah gobol waa hore la hilmaamay, oo ay horukacintiisa ay liidato.  Inkastoo ay dowladda dadaal ugu jirto inay isticmaasho ciidamo Gedo laga abaabulay si ku awood ugu yeelato jubbooyinka, haddana, waxay ku guuldareysatay inay wax ka qabato baahida baahsan ee Gobolka ka jirta sida dhinacyada waxbarashada, horumarinta adeega bulshada. Si kastaba ha ahaatee, shaqsi madax oo dowladdaan cusub ka tirsan ayaanan wali gobolkaa booqasho ku gaarin.   Raga matala gobolka ee ku jira baarlamaanka ayaa umuuqda kuwa aanan dan badan ka leheyn Gobolkan. Dowladda ayaa u muuqata mid mashaariicda iyo dib udhiska dalka la beegata magaalo madaxda iyo gobolka Puntland oo kaliya.



HalKaan Ka Daawo Ciidamada Dowlada oo Kuraas iyo Meel Jiif Ka dhigtay Meydad













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog