Daawo Sawirada Isbedel lagu sameeyay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka iyo Xil wareejin maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga

Thursday, March 14, 20130 comments



Waxaa Maanta munaasabad balaaran oo xilka looga qaadayay labadan Jeneraal ee Hogaaminayay Ciidanka Xooga Soomaaliyeed lagu qabtay Wasaarada Gaashaandhiga iyadoona Xilkooda isla maanta lagu wareejiyay Labo Jeneraal oo horey uga tirsanaa Ciidankii Dowlada Bur burtay.

Xilk kaqaadista labadan Janan ee katirsan Dowlada ayaa loo sababeeyay dhinaca awood qeybsiga ee Dowlada Soomaaliya ku dhisan tahay taa ay meesha uga baxeen labadan Sargaal oo in mudo ah Ciidanka Xooga Soomaaliyeed hogaaminayay Guulo badana gaarsiiyay.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa xilkiisa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya lagu badalay Sareeye Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarsho) oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed mudooyinkii ugu dambeeyayna kunoolaa Dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalka Kanada.

Jen. C/Kariin Yuusuf Aadan Dhaga Badan Abaanduulihii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa isna lagu badalay Jen. C/Risaaq Qaliif Cilmi oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed mudo badana uu kusoo dhax jiray In Mudda ahna ku Noolaa Dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalka Maraykanka.

Labadan Jeneraal ee Maanta la wareegay Taliska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa ah kuwa aqoon badan u leh Hogaaminta Ciidanka mudo badana kusoo dhax jireen iyagoona darajooyin kala duwan iyo aqoon bdana ciidanka ah kusoo qaatay Dalka dibadiisa.



































_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog